Barcelona Oo Haysata Fursad Ay Kula Soo Wareegi Karto Matthijs de Ligt

Claciso Mercatio ayaa qoreysa in Barcelona ay soo nooleeyeen rajadii ay ka qabeen in mar uun ay la hishiiyaan daafaca Juventus ee Matthijs de Ligt

Laacibkaas hore Ajax ayaa muddo la xariiriyay Barcelona xittaa ka hor inta uusan u wareegin Juve xagaagii 2019-ka , waxaana haatan muuqaneysa in Barca weli ay rajaneyso saxiixiisa

Wargeysdkaas ayaa qoraya in la helay xog in uu jiro qodob ku jira hishiiska laacibka kaasi oo xusaya in Matthijs de Ligt uu kooxdaas ka tagi karo xagaaga 2022-ka

Sidaas oo ay tahay lama helin qiimaha hishiiskaas uu gaarayo balse waxa ay quburada arimaha suuqa tilmaamayaan in arintaan ay dan u tahay Barcelona oo la rumeysan yahay in weli ay isha la sii raacayaan laacibkaas

Waxaa xusid mudan in hishiiska wiilkaas reer Holland ee Juve uu dhacayo xagaaga 2024-ka

Warka waxa uu intaas ku darayaa ain Barcelona ay haatan isu diyaarinayaan wadahadallo ay la bilaabaan Juve si mustaqbalka dhaw u helaan laacibkaas

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*