
Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in Barcelona damacsan yihiin in sagaal ciyaartooy ay dhigaan suuqa kala iibsiga xagaaga
Barcelona ayaa dhawaan shaacisay in lagu leeyahay deyn dhan 1.2 bilyan oo euro waxa ayna u badan tahay in ay diiradda saaraan xagaagaan hishiiyo bilaash ah in ay soo sameeyaan .
Sidaas oo ay tahay , Barceolona waxaa diiradda u saaran weeraryahanka Dortmund ee Haaland xilli dhanka kale wadahadallo hishiis kordhin ah ay kula jiraan Messi .
Marka arimahaas la eego , Barcelona waxa ay ku qasban tahay in dhowr ciyaartooy iibiyaan ka hor inta xilli ciyaareedka dambe uusan bilaaban .
Wargeyska Miror ayaa soo xiganaya in xiddigaha la iibinayo ay ugu horeeyaan Dembele iyo Countinho iyadoo Dembele la iibin doono haddii uusan ogalaan in hishiis cusub uu saxiixo
Waxaa kale oo kuy jira liiska xiddigaha kala ah Martin Braithwaite, Umtitti , Miralem Pjanić, Sergi Roberto , Firpo , Carles Aleñá iyo Matheus Fernandes
Be the first to comment