Barcelona Oo Haatanba Dajisatay Qorshe Ay 3 Xiddig Lacag Aad U Jaban Ugu Heli Doonaan Suuqa January.

Tababaraha Kooxda Barcelona ee Ronald Koeman ayaa doonaya in uu lacag aad u jaban ku helo xiddigaha Memphis Depay, Georginio Wijnaldum Iyo Eric Garcia marka la gaadho suuqa kala iibsiga January.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa 3-da xiddig intii uu furnaa suuqii Xagaaga ka hor intii ayna kooxaha Lyon, Liverpool iyo Man City ka diidin isku daygii ay kaga doonayeen saxiixa xiddigaha.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona doonayso in ay lacag jaban ku hesho 3-da xiddig suuqa january maadama ay 3-dooduba gali doonaan 6-dii bilood ee ugu dambeeyay heshiisyadiida suuqa Janaury.

Xiddiga Lyon Depay, oo Koeman kala soo shaqeeyay xulka qaranka Holland, ayaa diiday inuu meesha ka saaro inuu ka tagayo Ligue 1 bisha January markii wax laga waydiiyay fashilkii uu ku fashilmay in uu ku biiro Barcelona.

Dhanka kale daafaca Man City ee Eric Garcia ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu ku laabto kooxda barcelona oo uu ka soo baxay Akademiyadeeda.

Xiddiga khadka dhexe ee Wijnaldum oo ah xiddig ay adagtahay in ay Barcelona hesho ayaa ka mid ah Liiska maadam uu Klopp si aad ah u doonayo in uu haysto xiddiga inta lagu jiro xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*