Barcelona Oo Guuldaro Kala Kulantay RB Salzburg Kulan Xiiso Lahaa.

Kooxda Barcelona ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysay dhabarka loo saaray kadib guuldaro ay kala kulmeen kooxda RB Salzburg kulan saaxiibtinimo ahaa oo ay wada ciyaareen laabda kooxood.

Kooxda RB Salzburg Ayaa ahayd kooxda fiican ciyaarta oo dhan iyaga oo halis badan galiyay goolka kooxda Barcelona xilli ay iska khasaariyeen fursado aad u badan.

Daqiqiadii 43-aad ayay kooxda RB Salzburg Dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Luka Sucic kaas oo ciyaarta ka dhiay 1/0 ay kooxda RB Salzburg ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo laga fiicnaa kooxda Barcelona kuwaas oo kaliya maamulayay ciyaarta.

Qaybtii dambe gaar ahaan daqiiqadii 82-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ahna goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Martin Braithwaite kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Laakiin kooxda RB Salzburg ayaa daqiiqadii ugu dambaysay ee ciyaarta dhalisay goolka kadib markii uu xiddiga Brenden Aaronson dhaliyay goolka guusha daqiiqadii 90-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona la kulantay guuldaradii ugu horaysay ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jirtaan Laba Wiil Hal Mar Ku Wada Jecle, Ma Doonaysaa In Aad Dooratid Midka Adiga Kuu Fiican, Habkan Fudud Ayaa Ku Caawinaysa

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*