Barcelona Oo Guuldaro Ka Qiratay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Georginio Wijnaldum & Arintan Oo Cadayn U Ah.

Kooxda Barcelona ayaa bilowday raadinta Badalka xiddiga Georginio Wijnaldum kaas oo iska diiday kooxda kana doortay PSG.

Xiddiga reer Holland ayaa xor ah waxana si weyn loola xidhiidhinayay kooxda Barcelona kuwaas oo doonayay in ay ku xoojiyaan khadka dhexe xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin xiddiga 30 jirka ah ayaa iska diiday Barcelona isaga oo ka doortay kooxda PSG kuwaas oo uu haatanba qarka u saaran yahay in uu ku biiro kooxda.

Kooxda Barcelona ayaa bilowday raadinta badalka Georginio Wijnaldum waxana lala xidhiidhinayaa xiddigaha Mikel Merino iyo Fabian Ruiz laakiin dhibaatada jirta ayaa ah in labadaas xiddig lagu qiimeeyo 30 ilaa 50 milyan oo euro taas oo ah lacag ayna Barcelona awood u lahayn.

Go’aanka Wijnaldum uu isaga diiday kooxda Barcelona ayaa dhirbaaxo ku noqotay marka loo eegin lala xidhiidhinayay kooxda tan ilaa bishii January waxana ay u qaateen in ay helayaan xiddiga khadka dhexe.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*