Barcelona Oo Guul Muhii Ah Ka Gaadhay Levante & Koeman Oo Uu Cadaadisku Ka Yaraaday.

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa kusoo laabatay jidka guusha iyadoo 3-0 kaga badisay Levante oo ay ku qaabbishay Camp Nou.

Saddex gool oo ay u kala dhaliyeen xiddigaha reer Netherlands ee Memphis Depay iyo Luuk de Jong iyo mid uu ku daray Ansu Fati oo dhaawac kasoo laabtay ayaa Barcelona ku hoggaamiyey guul ay aad ugu baahnaayeen xilli ay ku jireen waqti adag oo shaki la gelinayay mustaqbalka tababarahooda Ronald Koeman.

Natiijada ciyaartan ayay Barcelona kusoo gashay kaalinta shanaad ee horyaalka Spain ee LaLiga iyagoo yeeshay 12 dhibcood isla markaana ay hal ciyaar ahi baaqi u tahay.

14kii daqiiqadood ee ugu horreeyey ayay Barcelona ku xaqiijisatay guusha kulankan oo ay bandhig fiican oo noocii lagu yaqaanay ee Tiki-taka ahaa ay dib usoo celiyeen.

Xiddigaha da’da yar ee Neco iyo Gavi ayaa ciyaar qaan-gaadh ah ka sameeyey khadka dhexe bilowgii ciyaarta, iyadoo uu Memphis Depay ahaa hoggaamiyaha aan lagu muransanayn ee bilowgiiba keenay goolka ibo-furka.

Daqiiqaddii lixaad ayuu Memphis Depay kubadda kala soo galay dhinaca bidix, waxaana uu usoo gooyey Miramon hase yeeshee Radoja ayaa lugta u dhigay oo ku riday xereda ganaaxa dhexdeed. Garsooraha ayaa markiiba tilmaamay rikoodhe aanay dood ka keenin Levante.

Memphis Depay ayaa kubadda soo qaatay oo gool u beddelay rikoodhaha, halkaas ayaanay Barcelona ka bilowday dabbaal-degga kulanka, iyadoo taageereyaasheeda faraha badan ee ku sugnaa Camp Nou ay mar kaliya isla  oogsadeen.

Luuk de Jong ayaa daqiiqaddii 14aad goolka labaad raaciyey, waxaana kubbad uu dhinaca kasoo dhiibay Sergino Dest uu si xarrago leh ugu hubsaday goolka  uu waardiyaha ka ahaa Fernandes.

Goolkan ayaa noqday midkii ugu horreeyey ee uu Luuk de Jong u dhaliyo Barcelona oo uu maalintii ugu dambaysay suuqa iibka ee dhowaanta dhamaaday si amaah ah ugaga soo wareegay Sevilla.

Gerard Pique ayaa gool madhan kubadda la waayey daqiiqado kooban kaddib, iyadoo uu lugta geliyey kubbad laga soo qaaday dhinaca bidix balse birta dhinac martay xilli goolhayaha iyo difaacyahannaduna aanay u dhoweyn inay joojiyaan.

Gavni ayaa ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto oo uu furto xisaabtiisa goolasha kooxda koowaad, laakiin nasiibka ayaan u ogolaanin.

Ansu Fati oo kasoo laabtay dhaawac  uu toban bilood ah ku maqnaa oo beddel kusoo galay dhamaadka ciyaarta oo toban daqiiqadood ka hadhsan yihiin ayaa markiiba muujiyey inuu yahay xiddig ay tebaysay kooxdu.

18 jirkan ayaa dhaliyey goolkiisii koowaad daqiiqado yar oo uu garoonka ku jiray, waxaanay sidaas Barcelona  ugu guuleysatay 3-0.

Barcelona ayaa hadda yeelatay 12 dhibcood, waxaanay shan dhibcood ka dambeeyaan Real Madrid  oo hoggaanka haysa, laakiin hal kulan oo baaqi u ah haddii ay Barcelona guuleysato, waxay farqiga Real Madrid ka horreyso ka dhigi kartaa laba dhibcood oo kaliya.

Sii Akhriso: Gabadheey, Ma Doonaysaa In Aad Guul Ka Gaadho Nolosha Guurka, Ma Doonaysaa In Aad Farxad Kula Noolaato Gacaliyahaaga, Iska Ilaali In Aad Ogolaato Guurka 6 Nooc Ee Ragga Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*