Barcelona Oo Guul Ku Bilaabatay Kulamada Isku Diyaarinta Xilli Ciyaareedka Cusub.

Kooxda Barcelona ayaa guul weyn ku furatay kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub iyaga oo garaacay kooxda Gimnastic kulan ka dhacay garoonka Camp Nou.

Tababare Ronald Koeman ayaa ciyaarsiiyay xiddigo da’yar u badan iyada oo ay ku jireen xiddigo dhawr ah oo kooxda 1-aad ah kuwaas oo ciyaaray qayb ka mid ah ciyaarta.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Barcelona ku dhibaatootay in ay wax goolal ah dhaliyaan iyada oo kooxda Gimnastic iska caabisay una diiday in ay shabaqooda soo taabtaan.

Kulanka waxa wacdaro dhigay xiddig da’yar ah oo Barcelona u ciyaarayay isaga oo dhaliyay saddex gool oo ka mid ah goolashii ay kooxda Barcelona ka dhalisay kulanka.

Xiddigaas ayaa ah Rey Manaj kaas oo goolasha kala dhaliyay daqiiqadihii 60, 86 iyo 90 isaga oo muujiyay awoodiisa weerar waliba ahaa xiddiga ugu fiican kulanka.

Xiddiga Alex Collado ayaa daqiiqadii 85-aad dhaliyay goolka 4-aad ee kooxda Barcelona iyada oo Barcelona sidaas ku gaadhay guul weyn kulamada saaxiibtinimooyinka isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*