Barcelona Oo Guul Ka Gaartay Valencia, Xiisaha Horyaalka Cirka Ayuu Isku Sii Shareeray

Barcelona ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaartay Valencia oo ay marti u ahaayeen waxa ayna kaga talaabasadeen 3/2

Sheekada labada qeyb: Qeybta hore , labada koox waxa ay nasiinada ku aadeen bar bar dhac bilaa goolal ah xilli Barcelona qasaariyeen fursado badan .

Barca iyaga ayaa ku sareeyay maamulka kubadda balse deg degsiimo ayaa ka haleyneysay kubadha ay dhisan

Valencia waxs ay ku tiirsanaayeen kubadaha rogaal celiska ah balse halis gilin muuqata ma aysan sameyn halka ay ku wacnaayeen ku dhiirashada .

Qeybta labaad , biloowgii Valencia fursad xaqiiq ahaa laga bad baadiyay oo goolhayaha Barca ayaa u diiday balse kubad koorno laga soo laaday ayay gool ku dhaliyeen daqiiqadii 50-aad .

Barca niyad kama aysan qaadin waxa ayna heleen rigoore ka dib markii daafac Velanica uu kubad gacanta ku taabtay waxaana laaday Messi balse waa laga qabtay daqiiqaddii 57-aad xilli ka dib ay kubadda ku laalaabatay goosha Valenica waxaana gool u turjumay Lionel Messi.

Ka dib goolkaas , kubadda waxa ay ka dhamaan waysay aagga goosha Valencia waxaana loo raaciyay gool labaad daqiiqadii 63-aad waxaana saxiixay Antoine Griezmann

Valencia waxaa ku adkaa in kubadda horay u jiidaan waxaana ka dhacayay qaladaad illaa lagu keenay gool sedexaad oo cajiib ahaa waxaana Free Kick ku dhaliyay Messi daqiiqadii 69-aad .

Si waliba oo ay ahaato, Valencia dib ayay u gurteen waana adkeyd in kubadda horay u soo jiidaan balse rogaal celiska halis ayay ku ahaayene ilaa ay ku keenen gool labaad aad u qurux badan daqiiqadii 83-aad

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*