Barcelona Oo Guul Ka Gaartay Getafe Xilli Messi Uu Laba Jeer Shabaqa Soo Taabtay

Barcelona ayaa guul ay u qalantay waxa ay ka gaareen kooxda Getafe kuwaasi oo qeybtii hore ay nasiinada ugu direen 3/1 inkastoo guud ahana ciyaarta ay ku dhamaatay 5/2

Barca guud ahaan iyaga ayaa maamulayay kubadda waxa ayna soo bandhigeen kubad deg degsiimo leh inkastoo mararka qaar aya ka dhacayeen qaladaad dhanka daafaca ah

Messi kulankaan aad ayuu u wacnaa waxa uuna muujiyay dar dar  iyadoo laba gool uu dhaliyay qeybtii hore kuwaasi oo kala yimid daqiiqadihii 8-aad iyo 33-aad halka gool Getafe dhaliyeen uu ahaa mid si qaldan uu isaga dhaliyay Clement Lenglet halka Catefa iyana gool labaad si qaldan isaga dhaliyeen .

Heerka kubad  hayshada Barcelona ee qeybtii hore waxa ay gaartay %77 waxa ayna kooxda martida ku tiirsnaayeen kaliya kubadaha rogaal celiska  ah marka laga yimaado in biloowgii baxsad ahaayeen.

Soo laabashadii , mararka qaar heerka kubad hayshada Barca waxa ay gaareysay %88 xilli kooxda martida ay daafac ku aruureen xili Barca dagaal ugu jirtay goolal dheeraad ah .

Getafe qeybihii dhamaadka xoogaa waa ay wacnaayeen waliba kubadda waa ay gaarsiinayeen goosha Barca illaa ay heleen rigoore  ay gool ku dhaliyeen daqiiqadii 69-aad

Barca kubadda heer dhan %79 ayay dhamaadkii sareeyeen balse kubadda meel ay marsiiyaan ayay waayeen maadaama Getafe ay daafac adag xerteen , waxa ayan daqiiqadii 87-aad heleen gool 4-aad ee uu Messi ka shaqeeyay waxaana dhaliyay Ronald Araujo halka waqtigii dheeriga Griezmann uu raaciyay gool rigoore .

 

 

2 Comments

  1. War idinku maad walantihin ciyarta meydan dhameysan 5:2 ayeyba ku dhamate waxad noo soo gudbisan gabigeduba waa been 😡😡

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*