Barcelona Oo Guul Dirqi Ah Ka Gaadhay Rayo Vallecano Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Copa Del Rey-ga.

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Copa Del Rey-ga kadib guul ay ka gaadheen kooxda Rayo Vallecano kulan ka dhacay garoonka Estadio de Vallecas.

Kabtanka Barcelona ee Lionel Messi ayaa ku bilowday shaxda kadib markii uu ka soo laabtay ganaax 2 kulan ahaa oo uu kaga maqnaa kooxdiisa.

Kulanka ayaa ahaa mid aad ugu adag kooxda Barcelona iyada oo kooxda Rayo Vallecan soo bandhigtay ciyaar difaaceed aad u cajiib ah.

Saaxiibada Lionel Messi ayaa wax walba u sameeyay sidii ay goolal u dhalin lahaayeen laakiin Nasiibka ayaa ka hor istaagay in ay goolal dhaliyaan.

Kooxda Barcelona ayaa dhawr mar biraha garaacday xilli ay kooxda Rayo Vallecan ciyaaraysay kubad difaaceed iyo weeraro goos goos ah oo rogaal celis ah.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro gool la’aan ah inkasta oo ay Barcelona gacan saraysay dhan walba.

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay qaybtii dambe ee ciyaarta iyaga oo doonayay in ay goolal ciyaarta ku furaan.

Laakiin kooxda Rayo Vallecan ayaa daqiiqadii 63-aad Barcelona kaga naxsatay gool kadib markii uu xiddiga Fran Garcia dhaliyay goolka.

Kooxda Barcelona ayuu goolku hurdada ka kiciyay iyaga oo laba jibaaray dadaalkii ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan.

Barcelona ayaa daqiiqadii 65-aadba dhalisay gool uu u dhaliyay xiddiga khadka dhexe ee Frenkie De Jong ayaa dhaliyay laakiin goolkaas ayaa laga diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray.

Daqiiqadii 69-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee Bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay kabtankooda Lionel Messi kaas oo ciyaarta ku soo celiyay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa sii waday dadaalka ay ku doonayso in ay mar kale hogaanka ugu qabato ciyaarta iyaga oo qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn.

Daqiiqadii 80-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka tartanka Copa Del Rey-ga xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*