Barcelona Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Huesca & Kooxda Koeman Oo Soo Yaraysay Dhibcihii Ay Ka Dambaysay Atletico Madrid.

Kooxda Barcelona ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Huesca kulan ka tirsanaa horyaalka La Liga kana dhacay garoonka Camp Nou.

Qaybta Hore:

Kooxda Barcelona ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Huesca ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.

Barcelona ayaa maamulista ciyaarta fiicnada u badashay gool daqiiqadii 13-aad iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Lionel Messi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Ronald Koeman ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii waday raadinta goolal kale xilli ay kooxda Huesca difaac ku jirtay.

Daqiiqadii 35-aad ayay Barcelona sii dheeraystay hogaan ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Antoine Griezmann kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Kooxda Huesca ayaa daqiiqadii 45+4-aad heshay rikoodhe waxana gool u badalay xiddiga Rafa Mir kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 kooxdiisana dib u soo nooleeyay rajadooda.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona ahayd kooxda ku gacan saraysay laakiin Huesca la baxday rajo ah in ay ciyaarta wax ka ridan karto kadib goolkii ay dhalisay.

Qaybta Dambe:

Barcelona ayaaa qaybtii ku soo gashay qaab dagani ah iyaga oo maamulayay ciyaarta in badana kubada haystay kooxda Huesca-na u diidaysay weerarada rogaal celista ah.

Daqiiqadii 53-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta kaas oo uu u dhaliay daafaca Oscar Mingueza kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Wixii intaas ka dambeeyay Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta iyaga oo u muuqday kuwo aan ku deg-degayn in ay goolal dhaliyaan inkasta oo ay sameeyeeen fursado ay goolal ku dhalin kareen.

Daqiiqadii 89-aad ayay Barcelona dhalisay Goolkii 4-aad ee ciyaarta iyaga oo uu Lionel Messi si qurux badan u dhaliyay kana dhigay ciyaarta 4/1 ay Kooxda Barcelona ku hogaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Barcelona gaadhay guul muhiim ah oo ka caawisay in ay 4 dhibcood oo kaliya u jirsato hogaamiyayaasha horyaalka ee Atletico Madrd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*