Barcelona Oo Goolal Ku Harqisey Real Madrid Kulanka ElClasico (Xavi Macalin Waaya Arag Ah!)

Kooxaha Real Madrid iyo Barcelona ayaa kulan kamid ah kulamada Elcalasico isku arkey caawa kulankaaso oo dad aad u fara badan ay sugaan daawashadiisa mar walba oo uu dhacayo.

Kulanka ayaa qeybtii hore waxaa uu ku bilowdey xiiso xili kooxda Macalin Xavi ee Barcelona ay u muuqatey kuwa aad isu soo diyaariyey marka laga hadlayo sida ay u ciyaarayen iyo weliba qaabka ay ku bilowden.

Dhanka Real Madrid iyaduna waxaa ay ku soo gashey iyaga oo maanka ku haya in ay guul la laabtaan kulanka si ay u sii dheereystaan dhibcaha ay hogaanka horyaalka La Liga ku hayaan.

Barcelona oo weerarkeedu aad u wanaagsanaa ayaa fursado badan abuurtey, halka Real Madrid ay iyada lafteedu ay fursado dhowr ah heshey laakin nasiib daro gool ayeey u bedeli waayeen.

Dhanka Barcelona daqiiqadii 29aad wax walba ayaa is bedeley taageerayaasha Barca meel walboo ay joogaana aad ayeey u farxeen markii uu goolka kowaad u dhaliyey Weeraryahankooda Per Emerick Aubameyang ciyaartana ka dhigey gool iyo waxba oo ay ku horeyso Barcelona.

Real Madrid waqtiga ayaa ku xumaadey, dadaal badan ayeey sameyeen laakin fursad walba oo ay helaan ma noqon kuwa ka faaideysta.

wax ka yer 10 daqiiqo ayeey mar kale ku qaadatey kooxda Barcelona in mar kale ay gaaraan shabaqa Real Madrid kadib markii kubad koorna aheyd uu gool u bedeley daafacooda Ronald Aroujo daqiiqadii 38aad ciyaartana ka dhigey laba gool iyo waxba.

45kii daqiiqo ee qeybtii hore ayaa ku soo idlaatey laba gool iyo waxba oo ay hogaanka ku heysto Barcelona.

Qeybtii Labaad ayaa la isugu soo noqdey ciyaarta wax yer iyadoo oo ay socoto ayeey Barcelona mar kale shabaqa gaareen daqiiqadii 46aad ee qeybtii labaad waxaana ay ciyaarta ka dhigeen seddex gool iyo waxba kadib markii fursad ay xiligaasi heleen uu gool u badeley Feran Torres.

Aubameyang ayaa mar yer kadib haddana mar kale shabaqa Real Madrid gaarey daqiiqadii 51aad ee ciyaarta isagoona ciyaarta ka dhigey 4gool iyo waxba oo ay Barcelona ku hogaamineyso ciyaarta.

Wixii xiligaasi ka dambeyey labada kooxoodba dadaal ayeey sameyeen laakin waxba kama aysan bedelin natiijada ciyaarta.

Waqtigii ciyaarta loogu talagalay ayaa waxaa uu ku soo dhamaadey 4gool iyo waxba oo ay guusha ku raacdey kooxda Barcelona.