Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqblka Antoine Griezmann.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay ciyaar u tahay in ay dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdeeda ee Antoine Griezmann marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Antoine Griezmann ayaa Barcelona kaga soo biiray Atletico Madrid xagaagii hore laakiin xiddiga reer France ayaa ku dhibaatooday in uu soo bandhigi qaab ciyaareed fiican isaga oo dhaliyay 15 gool iyo 4 caawin 46 kulan oo tartamada oo dhan ah.

29 jirkan ayaa kooxda Barcelona kula jira heshiis ilaa xagaaga 2024 ah laakiin wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay xagaaga dhagaysato dalabyada u imanaya xiddiga.

Kooxaha PSG, Man United iyo Arsenal Ayaa horay xiiso ugu muujiyay xiddiga dhaliyay 9 gool 35 kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyaareedkan.

Antoine Griezmann  ayaa seegay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga sabab la xidhiidha dhaaawac muruq ah waxana uu haatan tartan la galayaa wakhtiga si uu taam ugu noqdo kulanka champions League ee Napoli.

Sii Akhriso: Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre Oo Afka Furtay Kana Hadlay Xil Ka Qaadistii Lagu Sameeyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*