Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Marcus Rashford.

Warbixinno ka imanaya Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay wakiillada Marcus Rashford u sheegeen inay doonayaan inay sii haystaan wixii ka dambeeya heshiiska amaahda ee hadda jira.

Xiddiga Manchester United ayaa xagaagii u wareegay Nou Camp isagoo ku jooga amaah hal xilli-ciyaareed ah.

Tan iyo markii uu u guuray La Liga, wuu soo jiitay indhaha dad badan, waxaana hadda la tilmaamayaa in Blaugrana ay doonayaan inay heshiiska ka dhigaan mid joogto ah.

Waxaa la fahamsan yahay in Barcelona ay haystaan ikhtiyaar ay si rasmi ah ugu iibsan karaan ku dhawaad £26 milyan, isla markaana wada-hadallo ay bilaaban doonaan si qiimaha wax looga dhimo..

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga