Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka Antoine Griezmann Kadib Markii Ay La Kulmeen Wakiilada Xiddiga

Wakiilada Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa in ay maanta la kulmeen Agaasimayaasha Barcelona kadib qaab ciyaareedkiisii fiicnaa ee kulankii Villarreal ee horyaalka La Liga.

Wargayska L’Equipe ayaa sheegaya in uu haatan xaalad dagan oo ku saabsan mustaqbalkiisa ku jiro xiddiga kadib markii ay Agaasimayaashu ka shaki saareen in uu xiddigu mustaqbal ku leeyahay kooxda.

Griezmann ayaan ka tagi doonin kooxda Barcelona xagaga sida ay ku heshiiyeen Agaasimayaasha iyo waliba wakiilada xiddigu kadib markii ay kulmeen iyada oo madaxda kooxdu u sheegtay wakiilada xiddiga in ay ku tiirsanaan doonaan xiddiga.

Xiddiga oo ka mid ahaa shirkii dhex maray agaasimayaasha kooxda iyo wakiilada ayay sidoo kale la socotay walaashiis la dhalatay.

Griezmann ayaa ku dhibaatooday in uu la qabsado kooxda ka hor inta uuna qaab ciyaareedka fiican soo bandhigin kulankii Villarreal ee ay Barcelona 4/1 ku badisay.

Maamulka Barcelona ayaa aaminsan in Griezmann oo kooxda kula jira ilaa xagaaga 2024 in uu sii fiicnaan doono sanadaha soo socda kana mid noqon doono xiddigaha ugu fiican kooxda.

Sii Akhriso: Askari Ka Tirsan Ciidamada Somalia Oo Sigaar Dartiis U Dilay Qof Shacab Ah Oo Dil Lagu Xukumay

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*