Barcelona Oo Go’aan Ka Gaadhay Baacsigii Ay Ugu Jirtay Xiddig Man City Ee Eric Garcia Ka Hor Suuqa January.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay diyaarinayso dalabkeedii ugu dambeeyay oo 7 milyan oo euro oo ay ku dooneyso daafaca Manchester City ee Eric Garcia, kaasoo ay damacsan yihiin inay helaan saxiixiisa marka la gaadho suuqa January.

Kooxda reer Catalan ayaa lala xiriirinayay daafaca da’da yarka ah xagaagii oo dhan laakiin heshiiskaas ayaan dhicin sabab la xidhiidha in ay Man City dalbanaysay lacag badan.

Si kasta ha ahaatee kadib markii uu diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City, Garcia ayaa ku jira bilihiisii ugu dambeeyay ee heshiiska kooxda ku ciyaarta Etihad waxana uu si xor ah uga tagi karaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona oo arintaas ka faa’iidaysanaysa ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab 7 milyan ah ka gudbiso saxiixa xiddiga Garcia sida uu sheegay wargayska Mirror.

Daafaca reer Spain ayaa kooxda Man City u ciyaaray 4 kulan oo tartamada oo dhan ah xilli ciyaareedkan laakiin aan si joogto ah ugu ciyaarin isaga oo ka dambeeya xiddigaha Aymeric Laporte iyo Ruben Dias.

Sii Akhriso: Madaxweyne Ka Mid Ah Maamul Goboleedyada Somaliya Oo Is Casilay & Sababta Oo La Ogaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*