Barcelona Oo Go’aan Ka Gaaday Mustaqbalka Ousmane Dembele, Maxaa Cusub?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ku gaadhay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Ousmane Dembele kadib qaab ciyaareedka fiican ee uu soo bandhigay kulamadii ugu dambeeyay.

Xiddiga dhaawacu dileen ayaa ilaa haatan ku fashilmay wixii laga filayay tan ilaa markii uu kooxda Barcelona ugu so biiray lacagta kor u dhaafta 100 milyan ee euro.

Laakiin xiddiga reer France ayaa dib u helay qaab ciyaareed fiicanaa xilli ciyaareedkan isaga oo kooxda kulamo badan u ciyaaray.

Ousmane Dembele ayaa ku bilowday 14 kulan oo horyaalka La Liga ah xilli ciyareedkan isaga oo dhaliyay 4 gool 2 kalena caawiye ka noqday maamulka kooxda ayaana la dhacay qaab ciyaareedka xiddiga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay kooxda Barcelona haatan muhiimada siin doonto sidii ay heshiis cusub uga saxiixan lahayd xiddiga reer France.

Heshiiska Ousmane Dembele ee kooxda Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana ay doonaysaa in ay kooxdu ka saxiixato heshiis cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanaha: 5 Arin Oo Ay Gabadh Walba Uga Baaantahay Ninka, Wax Ka Ogow.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*