Barcelona Oo Go`aamisay Mustaqbalka Rafinha Ee Qalcadda Camp Nou .

Ilo wareedyo ay qorayaan saxaafadda Spain ayaa sheegaya in Barcelona ay qaateen go`aan ku aadan mustaqbalka Rafinha

Laacibkaas ayaa ka soo laabtay amaah uu xilli ciyaareedkii hore uu ku soo qaatay kooxda Celta Vigo ee Spain

Laacibkaas oo haatan ku soo laabtay kooxdaas ayaa maanta maraya baaritaan caafimaad ka hor inta uusan ku soo l aaban tababarka guud ee kooxda ka hor qamiista .

Wargeyska AS ayaa sheegaya in Rafinha uu ku jiro liiska ciyaartooyda Barceloan dmacsan tahay in ay xagaagana ay ka taqalusaan

Waxa ay maamulka Barca xuseen in ay diyaar u yihiin in ay dhageystaan dalabyada lagu dooni karo Rafinha kaasi oo hishiiskiisa uu dhamaanayo haatan xagaaga 2021-da

Sidaas oo ay tahay waxaa lala la leeyhaay ma jirto koox dooneysa in ay bixiyaan lacagta Barcelona ku qiimeysaneyso Rafinha oo gaareysa illaa iyo 17 milyan oo euro

Hadaba haddii ay dhacdo in aan la helin koox iibsata waxa ay Barcelona ku qasban tahay in ay in ay qiimaha hoos u dhigaan waa haddii ay dhab ka tahay in ay doonayaan in ay xagaagaan fasaxaan Rafinha

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*