Barcelona Oo Garaacday Stuttgart & Depay Oo Sii Wada Wacdaraha Uu Dhigayo.

Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Stuttgart kulan ka tirsanaa isku diyaarinta labada kooxood ee xilli ciyaareedka cusub.

Barcelona ayaa ku badisay 3/0 kulan uu sii wado wacadaraha saxiixa cusub ee kooxda Barcelona ee Memphis Depay.

Daqiiqadii 21-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad wxana u dhaliyay xiddiga Memphis Depay kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa kana dhigay ciyaarta 1/0.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 36-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Yusuf Demir kaas oo isna dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda Barcelona.

Qaybtii dambe ayuu xiddiga Riqui Puig baas ka helay xiddiga Griezmann waxana uu dhaliyay goolka 3-aad ee kooxda Barcelona daqiiqadii 73-aad.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona gaadhay guul 3/0 ah siina wado isku diyaarintooda fiican ee xilli ciyaareedka cusub.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Sidee Ayaad U Xidhan Kartaa Qalbiga Gabadha Adiga Oo Aan Ku Odhan Kalamada “Waan Ku Jecelahay”. Waa Waddo Fudud.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*