Barcelona Oo Garaacday Napoli Iskana Xaadirisay 8 Dhamaadka Champions League Xilli Ciyaareedkii 13-aad Oo Xidhiidh Ah.

Kooxda Barcelona ayaa iska xaadirisay wareega 8 dhamaadka kadib guul ay ka gaadhay kooxda Napoli kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa lugta 2-aad ee wareega 16-ka tartanka champions League.

Kulanka ayaa ku bilowday si dar-dar leh iyada oo labada kooxoodba raadinayeen goolal wakhti hore ah si ay ciyaarta dhankooda ugu rogaan.

Kooxda Napoli ayaa ku dhawaatay in ay arintaas hesho kadib markii ay birta ku dhufteen fursad cajiib ah daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaarta.

Dhanka kale Kooxda Barcelona ayaa dhanka kubad haysashada ku fiicnayd xilli ay Kooxda Napoli ciyaaraysay kubada rogaal celis ah.

Kooxda Barcelona ayaa heshay wixii ay doonaysay kaas oo ahaa gool wakhti hore ah kadib markii uu madax u dhaliyay daafaca Clement Lenglet kaas oo daqiiqadii 10-aad hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Goolkaas ayaa u muuqday mid niyad jabiyay xiddigaha Napoli kuwaas oo khal-khalay waliba bilaabay in ay dhulka dhigaan xiddig kasta oo Barcelona ah.

Xilli ayna Xiddigaha Napoli iloobin goolkii 1-aad ayay Barcelona mar kale u raacisay mid kale kaas oo uu daqiiqadii 23-aad dhaliyay kabtanka Barcelona ee Lionel Messi kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0.

Napoli oo bilowday in ay si wadyiiyaan meesha ay wax ka khaldameen laakiin aan wali is dhiibin rajana ka qaba in ay ku soo laabtaan ciyaarta.

Daqiiqadii 30-aad ayay Barcelona mar kale gool dhalisay iyaga oo uu u dhaliyay Lionel Messi laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha in uu Messi gacanta ku taabtay kubada.

Laakiin Napoli ayaa daqiiqadii 45-aad loo dhigay rikoodhe iyaga oo uu u istaagay xiddiga Luis Suarez xilli uu Messi daawayn ku qaadanayay liidka dibada kadib markii uu dhaawacmay.

Weeraryahanka Luis Suarez ayaa dhaliyay goolka 3-aad ee kooxdiisa isaga oo ciyaarta ka dhigay 3/0 ay Barcelona ku hogaaminayso ciyaarta.

Laakiin Napoli ayaa isla daqiiqadii gudeheeda loo dhigay rikoodhe iyada oo uu rikoodhada u istaagay xiddiga Lorenzo Insigne kaas oo daqiiqadii 45-aad ciyaarta ka dhigay 3/1.

Goolkaas oo rajo siiyay Napoli ayaa bilowday in ay qaado weeraro halis ah xilli ay raadinayeen in ay Barcelona ka dhaliyaan gool kale inta ayna qaybta hore dhamaan laakiin uma suurtagalin.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Barcelona u muuqatay kuwo ka fiican sidii ay u ciyaarayeen horyaalka La Liga.

Qaybtii dambe ayay Napoli ku soo gashay kulanka kuwo ka duwan qaybtii hore iyaga oo ahaa kooxda fiican dhanka weerarada iyo halista dhanka Goolalka.

Dhanka kale Barcelona ayaa kulanka isaga ciyaarayay si dagan marka loo eego in ay ogsoonaayeen in ay dileen ciyaarta.

Kooxda Napoli ayaa wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd gool ciyaarta dib u shida dibna u nooleeya rajadooda.

Daqiiqadii 80-aad ayay Napoli dhalisay goolka ay doonayeen iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Arkadiusz Milik laakiin goolkaas ayaa loo diiday Offside uu ku jiray.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona sidaas isaga xaadirisay wareega 8 dhamaadka xilli ciyaareedkii 13-aad oo xidhiidh ah.

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*