Barcelona Oo Garaacday Almeria Guul-na Ku Macasalaamaysay Gerard Pique.

Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Almeria iyaga oo guul ku macasalaameeyay daafaca Gerard Pique kaas oo ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee Barcelona.

Barcelona ayaa ahayd kooxda fiican xilli ay kooxda Almeria ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah oo ay ku halis galinaysay Barcelona.

Kooxda Xavi daqiiqadii 7-aadba heshay rikoodhe kadib markii xiddiga Almeria ah gacanta ku taabtay kubada.

Laakiin xiddiga Robert Lewandowski ayaa rikoodhada si lama filaan ah uga khasaariyay kooxdiisa taas oo keentay in ay ciyaartu sii ahaato 0/0.

Barcelona ayaa wax walba u samaysay sidi ay u dhalin lahayd gool laakiin Almeria ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda.

Waxa bar-baro gool la’aan ah ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay kooxda Barcelona ahayd kooxda fiican laakiin ayna wax gool ah dhalin.

Qaybta dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay dhaliyaan goolal ay ciyaarta hogaanka ugu qabtaan.

Daqiiqadii 48-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Ousmane Dembele kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 62-aad dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Frenkie De Jong kaas oo gool u badalay madax loo soo dhigay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona hogaanka horyaalka La Liga u qabatay isla markaas guul ku macaslaaamaysay Halyeeyga kooxda ee Gerard Pique.