Barcelona Oo Garaacday 10 Xiddig Oo Celto Vigo Ah.

Kooxda Barcelona ayaa garaacday kooxda Celta Vigo kulan ka dhacay Camp Nou kana tirsanaa horyaalka La Liga xilli Celta Vigo 10 xiddig ku ciyaartay inta badan qaybtii dambe ee ciyaarta.

Kooxda Celya vigo ayaa ahayd kooxda fiican dhinaca kubad haysashada xilli ay sidoo kale kaga fiicnayd dhinaca fursadaha.

Barcelona ayaa u muuqatay kuwo ciyaarayay kubad rogaal celis ah xilli ay Celta vigo u ogolaadeen in ay iska haystaan kubada.

Daqiiqadii 30-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta waxana u dhaliyay xiddiga Memphis Depay kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 1/0.

Kooxda Barcelona ayaa sii waday raadinta goolal kale Xilli ay Celta Vigo ku hor dhibaatotay goolka hortiisa.

Daqiiqadii 41-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/0 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ayna Barcelona ahayn kooxda fiican laakiin ahayd kooxda hogaaminaysa natiijada ciyaarta.

Qaybtii dambe ayay Barcelona ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo Celta Vigo ku qaadayay weeraro aan kala joogsi lahayd oo ay doonayeen in ay ku dilaan ciyaarta.

Daqiiqadii 48-aad ayay Barcelona dhalisay goolka 3-aad waxana u dhaliyay goolka xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa ciyaartana ka dhigay 3/0.

Laakiin kooxda Celta Vigo ayaa daqiiqadii 50-aad dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Iago Aspas kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/1 uu hal gool ugu soo celiyay kooxdiisa.

Si kasta ha ahaatee Celta Vigo ayuu xaalku ku xumaaday kadib markii kaadhka cas ee tooska ah loo taagay xiddiga Jelson Murillo kaas oo ciyaarta u leexiyay dhinaca Barcelona.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul 3/1 ah ka gaadhay kooxda Celta Vigo iyaga oo sii wada guulaha ay ku dhamaysanayaan xilli ciyaareedka.