Barcelona Oo Doonaysa Xiddig Ku Dhibaatoonaya Man United.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo weeraryahanka kooxda Man United ee Edinson Cavani marka uu dhamaadka heshiiskiisa kooxda Man United.

34 jirkaan ayaa kordhiyay joogitaankiisa Old Trafford ilaa xagaaga 2022 horaantii sanadkaan laakiin lama filayo inuu sii joogo Manchester wixii ka dambeeya dhamaadka xilli ciyaareedka.

Xiddiga Cavani ayaa ku dhibaatoonaya dhaawac bilowga xilli ciyaareedkan waxana uu weerarka kooxda kula tartamayaa Cristiano Ronaldo waxana la sheegayaa in uu isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Barcelona ayaa doonaysa in ay suuqa January u gasho weeraryahan cusub waxana ay u calaamadsatay Cavani xiddiga saxda ah.

Wararka ayaa sheegaya in uu Cavani kaliya Barcelona ugu biiri karo heshiis amaah ah waliba ay kooxdu bixin doonto inta badan ee mushaharkiisa hadii ay hesho saxiixa xiddiga.

Sii Akhriso: Ma Dhacdaa In Uu Nin Kuu Yeedho “Quruxleyda”, Waliba Mar Walba Ma Adeegsadaa Kalmadaas, Hadaba Halkan Kaga Bogo Waxa Uu Uga Jeedo & Macnaha Ay Leedahay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*