Barcelona Oo Doonaysa In Ay Tababare Kooxda Ugu Magacawdo Mauricio Pochettino.

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham Hotspur Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa in uu ugu cad-cadyahay in uu shaqada tabaabranimo ee Barcelona ka badalo tababare Quique Setien.

Pochettino shaqo la’aan ahaa tan ilaa markii uu ka tagay Tottenham dhamaadkii sanadkii hore Laakin Tababaraha reer Argentine ayaa si weyn loo filayaa inuu ku soo laabto garoomada xilli ciyaareedka 2020-21.

Setien ayaa la sheegay inuu sii ahaan doono Tababaraha Barcelona ilaa iyo lugta 2-aad ee wareega 16-ka Champions League ee ay la ciyaarayaan Napoli 8-da August, laakiin wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in 61 jirkaan uu mustaqbalkiisu shaki ku jiro.

Barcelona ayaa xilli ciyaareedkan lagu garaacay horyaalka La Liga waxana ay raadinaysaa tababare cusub oo kooxda hogaamiya iyada oo lala xidhiidhinayo tababarayaasha Laurent Blanc & Patrick Kluivert.

Si kasta ha ahaatee wargayska MARCA ayaa sheegaya in uu Pochettino ugu cad-cadyahay in uu noqdo tababaraha cusub ee kooxda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay tababare ka dhigato 48 jirkan bilaa shaqada ah tan ilaa markii uu ka tagay kooxda Tottenham.

Sii Akhriso: Guddoomiyaha Degmadda Yaaqshid Oo Isku Day Dil Ka Badbaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*