Barcelona Oo Doonaysa In Ay Iska Iibiso 18 Xiddig Oo Kooxda 1-aad Ah

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso 18 xiddig oo kooxda 1-aad ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhibaato dhaqaale taas oo uu sababay xanuunka Korona ee ku habsaday adduunka.

Barcelona ayaa haatanba la soo saxiixatay xiddigaha Sergio Aguero, Eric Garcia oo ay qaab xor ah kula soo wareegtay suuqa kala iibsiga xagaagan.

Shabakada Goal ayaa sheegaysa in ay kooxdu isku diyaarinayso in ay iska iibiso 18 xiddig oo kooxda 1-aad ah inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Xiddiga Philippe Coutinho ayaa hogaaminaya Liiska xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso si la mid ah xiddigaha Antoine Griezmann, Sergio Busquets, Samuel Umtiti, Miralem Pjanic, Neto, Junior Firpo, Martin Braithwaite, Matheus Fernandes, Jordi Alba, Sergi Roberto, Clement Lenglet, Ousmane Dembele, Sergino Dest, Gerard Pique, Riqui Puig & Francisco Trincao ayaa ka mid ah xiddigaha ay seeftu ku dhici karto.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*