Barcelona Oo Doonaysa In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato Daafaca Clément Lenglet, Imisa Ayay Damacsantahay In Ay Ka Saxiixato?.

Wararka ka imanaya dalka Spain ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato daafaceeda Clément Lenglet.

Clément Lenglet ayaa kooxda ku so biiray xagaagii 2018 isaga oo kaga soo biiray kooxda Sevilla waxana uu bilowday xilli ciyaareedkii 3-aad ee kooxda.

Xiddiga 25 jirka ah ee Clément Lenglet ayaa muhiim ka ah kooxda Barcelona tan ilaa markii uu kooxda kaga soo biiray kooxda Sevilla xagaagii 2018.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga Clément Lenglet ay kooxda ugu sii hayso muddo dheer.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona doonayso in ay heshiis ilaa xagaaga 2023 ah ka saxiixato xiddiga reer France.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*