Barcelona Oo Diyaarsata Liiska 6 Xiddig Oo Ay Xagaaga U Dhaqaaqi Doonto Si Ay Ugu Xoojiyaan Kooxda.

Madaxweynaha Cusub ee kooxda Barcelona Joan Laporta ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaariyay Liis ay ku jiraan 6 xiddig kuwaas oo uu doonayo in uu ku xoojio kooxda xagaaga.

Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhanka dhaqaalaha xilli ciyaareedkan kadib markii uu Xanuunka Korona dilaacay halka ay bilowgii xilli ciyaareedka ku dhibaatootay natiijooyinka.

Wargayska AS ayaa sheegaya in uu Joan Laporta qorshaynayo in uu kooxda keeno xiddigo uu ku xoojiyo kooxda isaga oo diyaariyay liiska dhawr xiddig.

Wararka ayaa sheegaya in uu Joan Laporta doonayo in uu kooxda keeno 6 xiddig iyada oo 5 ka mid ah ay qaab xor ah ku Iman doonaan kooxda xagaga.

Xiddigaha Sergio Aguero, Georginio Wijnaldum, Eric Garcia, David Alaba iyo Memphis Depay ayaa ah xiddigaha xorta uu ku doonayo in uu kooxda ku keeno.

Xiddiga ay kooxda Barcelona lacagta ka soo bixin doonto ayaa ah xiddiga Erling Haaland kaas oo wacadaro dhigaya xilli ciyaareedkan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*