Barcelona Oo Diyaarisay Tiro Xiddigo Ah Oo Ay Iska Fasaxayso Suuqa January.

Barcelona's French defender Clement Lenglet celebrates with teammates after scoring a goal during the UEFA Champions League round of 16 second leg football match between FC Barcelona and Napoli at the Camp Nou stadium in Barcelona on August 8, 2020. (Photo by LLUIS GENE / AFP)

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay diyaar u tahay in ay ka dirto kooxda Tiro xiddigo ah marka la gaadho suuqa kala iibsiga January si ay lacagtaas ugu gasho suuqa kala iibsiga mustaqbalka.

Sida kooxo badan oo yurub ah Barcelona ayaa ku dhibaatoonaysa dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona waxana ay wajahaysaa in ay wajaxdo lacag dhan 88 milyan oo euro.

Barcelona ayaa la rumaysanyahay in ay dagaal gudaha ah kula jirto xiddigaha kooxda si ay hoos u dhigto mushaharka laakiin qaar ka mid xiddigaha ayaa iska diiday arintaas.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona iska iibin doonto suuqa January xiddigaha Ousmane Dembele, Martin Braithwaite, Carles Alena, Junior Firpo & Samuel Umtiti.

Xiddigahaas ayaa ah qaar xagaagii hore lala xidhiidhinayay kooxo badan oo reer yuurb ah kuwaas aan ka mid ahayn qorshaha tababare Ronald Koeman.

Sii Akhriso: Ra’iisul Wasaaraha Soomaliya Maxamed Xuseen Rooble Oo Magacaabay Guddida Doorashooyinka Xildhibaanada Ka Soo Jeeda Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*