Barcelona Oo Diyaarinaysa In Ay Iska IIbiso Philippe Coutinho & Liverpool Oo Sabab U Ah.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramaya in ay diyarinayso in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho si ay ugu bixiso lacagta ay Liverpool kaga leedahay heshiiskii uu xiddigu ugu biiray Barcelona suuqii January 2018.

Xiddiga reer Brazil ayaaa Barcelona ku biiray suuqii January ee 2018 isaga oo kooxda ugu biiray lacag dhan 160 milyan oo euro laakiin xiddiga ayaa ku fashilmay xiddiga.

Wargayska Sport aya haatan sheegaya in ay Liverpool wali Barcelona ku leedahay lacag dhan 50 milyan oo euro oo ka mid ah heshiiskii uu Philippe Coutinho ugu biiray Barcelona.

Sidaas darteed kooxda Barcelona ayaa doonaysa in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho marka uu furmo suuqa xagaaga si ay ugu bixiso lacagta ay Liverpool ku leedahay.

Xiddiga 28 jirka ah ayaa haatan dhaawac kaga maqan kooxdiisa waxana uu ciyaaray 12 kulan oo La Liga ah ka hor intii uuna dhaawaca halista ah ka soo gaadhin jilibka.

Philippe Coutinho ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Barcelona dhamaadka xilli ciyaareedkan maadama uuna ka mid ahayn qorshaha tababare Ronald Koeman.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*