Barcelona Oo Dar-Dar Galinaysa Saxiixa Jules Koundé.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay haatan diirada saari doonto saxiixa xiddiga daafaca kooxda Sevilla ee Jules Koundé.

Barcelona ayaa suuqa ugu jirta daafac dhexe oo ay ku xoojiso suuqa iyada oo uu Xavi dhisayo koox u tartami karta koobabka xilli ciyaareedka cusub.

Kooxda Xavi ayaa ilaa haatan samaysya 3 saxiix waxana ay doonaysaa in ay la soo saxiixato xiddig daafaca dhexe ka ciyaara inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Kadib markii ay dhamaystirtay saxiixa Robert Lewandowski, Barcelona ayaa haatan dareenkeeda u jeedinaysa sidii ay ula soo saxiixan lahayd daafac dhexe.

Kooxda Barcelona ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab ka gudbiso saxiixa daafaca dhexe ee kooxda Sevilla ee Jules Koundé kaas oo ay doonayaan in ay ku xoojiyaan daafaca dhexe.