Barcelona Oo Dalab Ka Gudbisay Luis Suarez Si Ay Kooxda Ugu Soo Celiso & Jawaabtii Uu Siiyay Oo La Ogaaday.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay dalab ka gudbisay saxiixa xiddigeedii hore ee Luis Suarez si ay kooxda dib ugu soo celiyaan xilli ay ku dhibaatoonayaan saxiixa Robert Lewandowski.

Laakiin Suarez ayaa lagu soo waramayaa in uu iska diiday ku laabashada Camp Nou xilli uu ilaa haatan bilaa koox yahay kadib markii uu dhacay heshiiskii uu kula joogay Atletico Madrid.

Sida laga soo xigtay wargayska Diario Sport, Suarez ayaa raadinaya koox cusub waxana ay Barcelona u calaamadsatay badalka Robert Lewandowski.

Laakiin Suarez ayaa iska diiday ku laabashada Barcelona isaga oo raadin doona koox kale oo uu ku biiro inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Suarez ayaa dhaliyay 13 gool 3 kalena caawiye ka noqday 45 kulan oo uu u ciyaaray kooxda Atletico Madrid xilli ciyaareedkii hore.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*