Barcelona Oo Dajisay Qorshihii Ay Lionel Messi Dib Ugu Soo Celinaysay Camp Nou, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay qorshaynayso in ay kooxda ka dirto xiddigaha Gerard Pique, Jordi Alba & Sergio Busquets si ay ugu suurtagasho in ay Lionel Messi ku soo celiso kooxda xagaaga.

Barcelona ayaa ka soo kabsatay xaalad dhaqaale xumo waxana ay haatan dib u dhisayaan kooxda iyaga oo xagaagii sameeyay saxiixyo fiican oo ay kooxda ku xoojiyeen.

Kooxda ayaa keentay xiddigo ay ka mid yihiin Robert Lewandowski, Raphinha & Jules Kounde kuwaas oo ay ku xoojisay kooxda suuqii xagaaga.

Laakiin kooxda ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay haatan kooxda dib ugu soo celiso xiddiga ugu fiican taariikhda kooxda ee Lionel Messi xagaaga dambe.

Lionel Messi ayaa haatanba iska diiday in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG taas oo la macno ah in uu qaab xor ah uga tagi doono kooxda damaadka xilli ciyaareedkan.

Kooxda Barcelona ayaa sidaas darteed kooxda k diri doonta xiddigaha kabtanada u ah haatan ee Gerard Pique, Jordi Alba & Sergio Busquets kuwaas oo kooxda mushahar ahaan uga qaata lacag dhan 150 milyan oo euro.