Barcelona Oo Dajisatay Qorshe Ay Liverpool Ugu Garaacayso Saxiixa Renato Sanches

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay amaah kula soo wareegi karto Xiddiga khadka dhexe ee Lille Renato Sanches xagaagaan.

Xiddiga 23 jirka ah ayaa aad loo filayaa in uu isaga tago kooxda Ligue 1 iyada oo lala xidhiidhinayo kooxaha Liverpool iyo Arsenal kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga khdka dhexe ayaa qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 5 gool 5 kalena caawiye ka noqday 59 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa Lille.

Sida laga soo xigtay AS, Barcelona ayaa heshiis amaah ah kula soo wareegeysa xiddiga reer Portugal xagaagan waxana ay u badantahay in heshiiska lagu daro dookh ay si toos ah ugula wareegi karto xagaaga dambe.

Barcelona ayaa doonaysa in ay xiddiga si toos ah u hesho laakiin waxa ayna awood u lahayn in ay bixiso lacagta 35 milyan ee ay Lille ku qiimayso saxiixiisa.

Sii Akhriso: Ma Jirtaa In Aad Kala Fogtihiin Qofka Aad Jeceshahay, Ma Doonaysaa In Aad Jacaylkiina Noolaysiin, 6-dan Wad Ayaa Kaa Caawinaysa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*