Barcelona Oo Dagsatay Qorshe Ay Man City KAaga Afduubanayso Bernardo Silva, Maxay Damacsanyihiin?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayso saxiixa xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man City ee Bernardo Silva si ay xagaaga u keenaan Camp Nou.

Xiddiga reer Portugal ayaa mar kale door muhiim ah ka ciyaaray kooxda Pep Guardiola xilli ciyaareedkan isaga oo saftay 52 kulan tartamada oo dhan kuna jiro 34 kulan oo prmeier League.

Xiddiga 25 jirka ah ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo todobaadyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkan isaga oo xitaa kaydka la dhigay kulankii ay Man City la ciyaartay Real Madrid jimcihii.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in ay Barcelona isha ku hayso xaalada xiddiga iyaga oo doonaya in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa xagaagan.

Isla wargayska ayaasheegaya in ay Barcelona isku diyaarinayso in ay lacag iyo waliba xiddiga Nelson Semedo miiska u saarto Man City si ay uga hesho Bernardo Silva.

Bernardo Silva ayaa Man City ku soo biiray xagaagii 2017 isaga oo kaga soo biiray kooxda Monaco kana mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan kooxda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*