
Kooxda Barcelona ayaa sii wada guulaha champions League kadib markii ay 4/0 ku xasuuqeen kooxda Dynamo Kyiv kulan ka tirsanaa wareega Group-yada tartanka.
Kadib guushaas kooxda Barcelona ayaa heshay 12 dhibcood iyada oo si Rasmi ah u xaqiiqsatay booskeeda wareega 16-ka tartanka champions League.
Shabakada Opta ee uruurisa xogta ayaa sheegaysa in ay kooxda Barcelona bar-baraysay rikoodh ay Real Madrid ka dhigtay tartanka champions League.
Kooxda Barcelona ayaa wareega 16 xilli ciyaareedkii 17-aad oo xidhiidh ah waxana ay bar-baraysay rikoodhkaas oo ay Real Madrid dhigtay.
Rikoodhka Barcelona ayaa soo bilowday xilli ciyaareedkii 2003/2004 waxana ay si xidhiidh ah u gaadhayeen wareega 16-ka tan ilaa xilli ciyaareedkan.
Be the first to comment