Barcelona Oo Bar-bar Dhac La Gashay Eibar , Waa Habeen Nasiibka Uu Diiday

Barcelona guud ahaan iyaga ayaa kubadda haystay balse meel ay marsiiyaan ayay waayeen waana adkeyd in si sahal ah u gaaraan goosha Eibar .

Heerka kubada haysashada Barcelona waxa ay gaareysay %70 , waxaana biloowgii rigoore ka qasaariyay Braithwaite  waxa ayna aheyd daqiiqaddii 5-aad halka 28-aad Var ay ka diiday gool ay dhaliyeen .

Eibar waxa ay ciyaarayeen kubad  deggan oo daafac ahaan aad ayay u wacnaayeen  waxaana lagu nastay bar bar dhacaas bilaa goolasha ah .

Eibar qeybta labaad dhaq dhaqaaq wacan ay soo bandhigeen Barcelona fursado waa laga bad baadinayay balse hanaanka ciyaarta waxa ay u muuqatay mid gool uu ku imaan doono .

Barcelona , waxaa lagu dilayay kubadaha rogaal celiska ilaa ay ku keeneen gool laga dhaliyay daqiiqadii 57-aad balse Barcelona waa ciqaabeen kooxdaas Eibar ilaa ay ku keeneen goolka bar bar dhaac daqiiqadii 67-aad waxaana saxixiay Dembele .

Barca si waliba ayay u daadaaaleen balse nasiibka guusha ayaa ka maqneyd waliba dhamaadkii fusradi xaqiiq ah ay qasaariyeen waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min halkaas gool.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*