Barcelona Oo Bar-bar Dhac Ku Biloowday La Ligaha Xilli Saxiixyada Cusub Ay Ciyaarayeen

Sheekada Ciyaarta : Barcelona ayaa soo bandhigtay heer ciyaareed wacan oo taatiko ahaan heerkoodu sareeyay

Halista Barca ee kulankaan waxa ay ka imaaneysay garbaha kaliya habacsanaan dhanka gool dhalinta ayaa jirtay

Sahal ayay u aheyd Barca in ay gaaraan aagga goosha Rayo Vallecano balse dhameystirka ayaa ka maqnaa

Dhanka daafaca aaminaad buuxda ma jirrin gaar ahaan aagga Alba iyo Arojo oo daldaloolo ayay sameynayeen mana aysan caawineyn dhanka weerarka

Rayo waxa ay ku fiicnaayeen isku balaarinta garonka ,  diiraddana si wacan ayay u sarayeen ciyaarta halka mararka qaar ay ku fiicnaayeen ilaalada keli keliga ah .

Is fahan wacan ayaan u dhaxeeyay ciyaartooyda Barca iyadoo qeybta labaad ay badallo ku soo galeen Sergi Roberto,Fati ,De Jong iyo Franck Kessie iyo Aubameyang.

Barca iyaga ayaa ku sareeyay maamulka ciyaarta balse xalka goolka ayaa ka maqnaa  xilli goolhayaha Rayo uu sameenayay  bad baadi cajiib ah

Barca waxaa kaarka casaanka ka qaatay waqtigiid heeriga ciyaarta Busquets kaasi oo daqiiqadii74-aad qaatay kaarka digniinta ka dib Rayo gool ayay dhaliyeen balse Var ayaa diiday  waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac bilaa goolala ah