Barcelona Oo Badalka Samuel Umtiti Ka Heshay Serie A-da.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay daafaca kooxda Ac Milan ee Alessio Romagnoli u aragtay badalka ugu macquulsan ee Samuel Umtiti.

Xiddiga dhaawacyadu dileen ee Umtiti ku dhibaatooday in uu boos ka helo kooxda Barcelona isaga oo ka dambeeya xiddigaha ay ka mid yihiin Ronald Araujo, Clement Lenglet iyo Oscar Mingueza isaga oo kaliya 5 kulan ku bilowday horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Xiddia France kula guulaystay koobka adduunka ayaa kooxda Barcelona kula jira heshiis ilaa xagaaga 2023 ah waxana la rumaysanyahay in uu ka mid yahay xiddigaha ay kooxdu doonayso in ay iska iibiso xagaaga.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in Tababare Ronald Koeman uu doonayo in uu muhiimada siiyo saxiixa weeraryahan cusub xagaaga laakiin sidoo kale badalka Umtiti ayaa sidoo kale la eegayaa iyada oo uu shaki ku jiro heshiiska Eric Garcia.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona xiddiga Kooxda Ac Milan ee Alessio Romagnoli u calaamadsatay badalka macquulka ah ee ay ku buuxin karaan booska Umtiti suuqa xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Fariimo Jacayl Oo Ka Ilmaysiinaya Gabadha Aad U Dirto, Hadda U Dir Gacalisadaada!

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*