Barcelona Oo Arsenla & Man United U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karaan Samuel Umtiti

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay kooxaha Man United iyo Arsenal u sheegtay qiimaha ay ku heli karto daafaca Samuel Umtiti sida ay sheegayaan wararku.

Barcelon ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga daafaca uga ciyaara ee Samuel Umtiti dhamaadka xilli ciyaareedkan xagaaga.

Tan ilaa markii uu kooxda ku soo biiray xagaagii 2016 Samuel Umtiti ayaa saftay 114 kulan oo Barcelona tartamada oo dhan.

Si kasta ha ahaatee xiddiga reer France ayaa haatan ka baxay qorshaha kooxda Barcelona isaga oo aan kulamo badan u ciyaarin kooxda wakhtigii ugu dambeeyay.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga 26 jirka ah dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa xagaaga.

Advertisements

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay ku iibiso xiddiga Samuel Umtiti lacag dhan 46 milyan oo euro.

Kooxaha Arsenal iyo Man United ayaa ah kooxaha sida weyn loola xidhiidhinayo saxiixa xiddiga reer France.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Lamaanah: Samaynta Caafimaad Ee Uu Kulanka Sariirta Joogtada Ah Ku Yeesho Jidhka, Akhriso Xogan Muhiimka Ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*