Barcelona Oo Arsenal U Sheegtay Halka Wado Ee Ay Ku Heli Karto Saxiixa Philippe Coutinho.

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Arsenal u sheegtay qiimaha ay ku heli karto xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga ee dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Barcelona ayaa go’aamisay in ay iska iibiso xiddiga Philippe Coutinho xagaaga kadib markii uu ku fashilmay kooxda kuna dhibaatoday in uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo tan ilaa markii uu ku soo biiray kooxda.

Xiddiga khadka dhexe ee Philippe Coutinho ayaa Barcelona kaga soo biiray Liverpool markaas oo ay Barcelona ka bixisay lacag dhan 160 milayn oo euro walina lacata badh lagu leeyahay.

Philippe Coutinho Ayaa dhaawacyo ku dhibaatoonaya xilli ciyaareedkan waxana u kaliya u ciyaaray kooxda 12 kulan oo horyaalka La Liga ah waxana la filayaa in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Wargayska Sport ayaa sheegaya in ay Barcelona diyaar u tahay in ay ku iibiso xiddiga Philippe Coutinho lacag dhan 40 milyan oo euro taas oo 120 milyan ka yar lacagtii ay kula soo wareegtay Philippe Coutinho suuqii January 2018.

Arsenal ayaa xiiso u muujisay saxiixa xiddiga waxaa ay Barcelona haatan u sheegtay in ay iska bixiso lacag dhan 40 milyan si ay u helaan saxiixa xiddiga suuqa xagaaga.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*