Barcelona & Lewandowski Oo Heshiis Buuxa Gaadhay Laakiin Bayern Munich Ayaa Dhibaato Abuuraysa.

Dagaalka kooxda u dhexeeya kooxaha Barcelona Iyo Bayern Munich ee ku saabsan xiddiga Robert Lewandowski ayaa maraya meel adag.

Xiddiga iyo wakiilkiisa ayaa si cad u sheegay in uu doonayo in uu isaga tago kooxda Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska Robert Lewandowski ee Bayern Munich ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedka dambe waxana uu doonayaa in uu isaga tago kooxda.

Xiddiga Robert Lewandowski ayaa haatanba heshiis la gaadhay kooxda Barcelona waxana ay labada dhinac isla meel dhigeen wax walba oo heshiiska ku saabsan.

Lakiin Kooxda Bayern Munich ayaa dhankeeda abuuraysa dhibaato iyaga oo diiday dalabkii 37 milyan ee ay Barcelona ka gudbisay saxiixa xiddiga.

Kooxda Bayern Munich ayaa doonaysa in ay xiddiga ku iibiso ugu yaraan lacag dhan 50 milyan oo euro taas oo ah lacag ay Barcelona diidantahay.