Barcelona Iyo Man City Oo Ku Dagaalamaya Xiddig Dhibaateeyya Real Madrid

Dhowr koox  oo qaaradda yurub ah ayaa isha ku haysa xiddiga wacdaraha dhigaya ee Marcus Thuram  kaasi oo weerarka uga ciyaara kooxda Borussia Mönchengladbach.

Xiddigas 23 sano jirka reer France ayaa soo  bandhigaya heer ciyaareed aad u wacan , waxa uuna Real Madrid ka dhaliyay laba gool oo Champion-ka

Laacibkan oo horyaalka Jarmalka iyo Champion-ka si wacan uga dhex muuqda ayaa keentay in tababaraha qaranka France  go`aansado in uu ugu yeero kulamada Portugal iyo Croatia ee tartanka qaramada yurub.

Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa qoraya in laacibkaas ay haatan isha ku hayaan kooxo ay ka mid yihiin Barcelona iyo Real Madrid

Warka waxa uu intaas ku darayaa in Man City , Juve iyo Ac Milan ay isha ku hayaan laacibkaas balse ma jirto koox si toos ah illaa haatan ula xariirtay

Da`yarkaan ayaa ka ciyaara dhowr boos oo ah weerarka buuxa , garab middig iyo bidix , waxa uuna kooxdaas u saftay xilli ciyaareedkaan 10 kulan dhamaan tartamada halka uu dhaliyay sedex waxa uuna ka qeyb qaatay  5 kale .

 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*