Barcelona Iyo Atlletico Madrid Oo Ku Hishiiyay Bar-bar Dhac , Real Madrid Weli Hogaanka Iyaga Haysta

Barcelona ayaa mar kale la hakiyay , waxa ayna bar bar dhac min laba gool ah wada galeen Atletico Madrid oo marti aheyd oo ay ku dhameysteen min laba gool ah , waxa ayna tani fursad hogaanka ay ku sii hayso siisay Real Madrid

Sheekada ciyaarta: Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa qeybta hore soo bandhigay ciyaar isu dheeli tiran oo deg degsiimo leh xilli ay jireen fursado la qasaariyay waxaana taasi ku badnaa Atletico .

Atletico waxa ay ku wacnaayeen kubadaha rogaal celiska ah waliba halis ayay ahaayeen xilli goolhayaha Barcelona uu hor taagnaa waxa ayna Barcelona kulankaan ka sheeganayeen dal daloolo dhanka qadka dhexe ah

Atletico , marka kubadda cagtooda ka baxdo waxa ay ciyaarayeen daafac ah xilli Barcelona qeybtaas hore uu ka liitay Semedo kaasi oo kubadda in badan gadaal u cel celinayay waliba qaldayay baasaska

Goolka Atletico ka dhashay waxaa si qaldan isaga dhaliyay Costa waxa ayna aheyd daqiiqadii 11-aad balse Atletico gool rigoore ah ayay heleen waxaana saxiixay Saul Niguez daqiiqadii 19-aad

Soo laabashadii , Barcelona kubadda waa ay dadajinayeen aagga goosha Atletico-na waa gaarayeen illaa markii dambe Semedo lagu galay galad waxaana sidaas sameeyay Felipe, ka dib rigoore ayaa la dhigay waxaana si cajiib ah u dhaliyay Messi daqiiqadii 50-aad

Atletico , isma aysna dhiibin isku dayana waa ay sameynayeen xilli ay kubadda ay gaarsiinayeen aagga goosha Barcelona ilaa ciyaartooyda Barca galeen qalad waxaana sidaas sameeyay Semedo oo carqaladeeyay Yannick Carrasco , ka dib rigoore ayaa la dhigay waxaana daqiiqadii 62-aad saxiixay Saul Niguez .

Ka dib dhacadaas , Atletico dar dar ayay muujiyeen xilli Barcelona iyana dagaal ugu jireen gool sedexaad waxa ayna badalkooda ugu horeeyay sameeyeen daqiiqadii 63-aad iyaga oo soo giliyay Sergi Roberto oo loo saaray Ivan Rakitic

Dhamaadkii Barcelona iyaga ayaa maamulka kubadda ku sareeyay waxa ayna gaareysay heer dhan : %65 balse Atletico halisteeda waa taagneyd mar waliba oo ay u dhawaadaan goosha Barca

Barca si walib ayay dhamaaadkii u sameeyeen isku dayo balse daafac ayaa hor taagnaa xilli guud ahaan maamulka kubadda iyaga ku badnaayeen waxa ayna gaareen dhamaadkii dambe ilaa %67  xilli Barca daqiiqadii 85-aad waxa ay soo giliyeen Fati iyo Griezman oo loo soo saaray Busquets iyo Vidal , waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay bar bard hacaas min labaad gool ah

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*