Barcelona Iyo Atletico Madrid Oo Isku Baacsanaya Xiddig Baxsad Ka Ah Man City.

Barcelona iyo Atletico Madrid ayaa lagu soo waramayaa inay labaduba xiiseynayaan saxiixa weeraryahanka Manchester City Bernardo Silva inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Kooxda Premier League ku guulaystay ayaa doonaysa in ay 100 milyan kula wareegto Jack Grealish iyada oo kadib la filayo in ay dareenkooda u jeediso saxiixa xiddiga Harry Kane.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Man City ayaa u baahan in ay iska iibiso xiddigaha kooxdiida si ay isugu dheeli tirto waxana la filayaaa in uu Silva isaga tago kooxda Man City todobaadyada soo socda.

Wararka ayaa sheegaya in ay Barcelona iyo Atletico Madrid doonayaan saxiixa xiddiga reer Portugal oo uu 4 sano uga dhiman yahay heshiiskiisa Man City.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa dhaliyay 35 gool 44 kalena caawiye ka noqday 201 kulan oo uu u ciyaaray Man City tan ilaa markii uu ku biiray kooxda sanadkii 2017.

Sii Akhriso: Ninka Quruxda Badan Mise Ninka Aan Quruxda Lahayn? Midkee Ayaa Farxad Dareensiiya Gacalisadiisa.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*