Barcelona Gool Diriqi Ka Gaartray Espanyol Xilli Labada Koox Qaateen Kaarka Cas, Espanyol Heerka Labaad Ayay U Dhaadhaceen

Barcelona ayaa guul ay ku rafaadday ka gaadhay Espayol oo ay Camp Nou ku martigelisay, waxaanay kaga adkaatay 1-0 dirqi ahaa oo Luis Suarez uu qaybtii dambe kula baxsaday.

Ciyaartan oo kaadh cas loo taagay laba ciyaartoy oo labada kooxood ah, ayaa waxa qaybta hore ay ku dhamaysteen goolal la’aan, hase yeeshee qaybtii dambe ayuu Luis Suarez gool u beddelay kubbad uu ka helay xerada ganaaxa ee goolka Espanyol hortiisa, waxaana uu goolkaasi noqday midka kaliya ee ciyaarta ka dhashay.

Espanyol ayaa daqiiqadihii ugu dambeeyey ee ciyaarta ku dhowaatay inay barbarraha keento, laakiin waxa ka diiday goolhaye Ter Stegen iyo Vidal.

Ilbidhiqsigii ugu dambeeyey ee ciyaarta ayey Espanyol waxyar u jirsatay inay goolka barbarraha hesho hase yeeshee nasiibkooda kubadda ayaa dusha kaga dhacday shabaqa goolka Barcelona.

Espanyol ayaa dib ugu noqotay heerka labaad ee horyaalka waddanka Spain oo ay xili ciyaareedka dambe ka ciyaari doonto, waxaana madax-xanuunkaas u go’aamisay Barcelona oo haddii ay ka badin lahayd ay haysan lahayd fursad ay kaga sii dagaallanto.

Shaxdii labada kooxood

ESPANYOL XI (5-4-1): Diego Lopez; Victor Gomez, Bernardo Espinosa, Leandro Cabrera, Fernando Calero, Didac Vila; Pol Lozano, David Lopez (c), Marc Roca, Adrian Embarba; Raul de Tomas.

Kaydka: Adria Pedrosa, Víctor Sanchez, Sergi Darder, Matias Vargas, Javi Lopez, Wu Lei, Daniel Villahermosa, Oier Olazabal, Oscar Melendo, Naldo, Nicolas Melamed, Víctor Campuzano

BARCELONA XI (4-3-3): Marc-Andre ter Stegen; Nelson Semedo, Gerard Pique, Clement Lenglet, Jordi Alba; Sergi Roberto, Sergi Busquets, Ivan Rakitic; Lionel Messi (c), Luis Suarez, Antoine Griezmann.

Kaydka: Ansu Fati, Jorge Cuenca, Dani Morer, Riqui Puig, Arturo Vidal, Ronald Araujo, Martin Braithwaite, Inaki Pena, Neto, Monchu, Arthur, Alex Collado.

Tababare Quique Setien oo maanka ku hayay in kooxdiisu ay rajo la’aan noqon doonto oo Real Madrid ay horyaalka u dabbaal-degi doonto Jimcaha ayaa waxa uu kusoo galay shax adag, isaga oo hal ciyaartoy oo kaliya ka beddelay safkii uu kula ciyaaray Villarreal, waxaana uu khadka dhexe keenay Ivan Rakitic kaydkana u diray Vidal.

Fursaddii ugu horreysay ee ciyaarta waxa heshay Espanyol oo uu Embarba dhinaca midig ka keenay kubbad, taas oo uu goolhaye Ter Stegen dhexda ka diiday inay halis ku noqoto goolkiissa.

Xamaasadda ciyaarta ayay ka muuqatay in labada kooxood ay ka dhaxaysay cadaawad derisnimo, maadaama ay Catalonia ka wada dhisan yihiin, waxayna ku xafiiltamayeen khadka dhexe iyagoo isku diidayay inay fursado isa siiyaan.

Daqiiqadihii 25aad iyo 26aad ayay Barcelona heshay laba fursadood oo qaali ah. Jaaniska hore ayaa ahaa laag xor ah oo loo dhigay Barcelona, kaas oo uu qaatay Lionel Messi oo ka ganay masaafo u jirta goolka 25 yard, laakiin kubadda ayaa ka dallacantay. Fursadda labaad ayaa ahayd mid uu Luis Suarez ku dhowaaday inuu shabaqa soo taabto, markii uu kubbad ka helay Griezmann.

Qaybta hore ee ciyaarta oo fursadaha badan ay Barcelona heshay, ciyaarteeduna ahayd mid qaan-gaadh ah marka la barbar-dhigo Espanyol ayaa kusoo dhamaatay goolal la’aan.

Markii lagu soo laabtay qaybta dambe ayuu Setien beddel degdeg ah sameeyey, waxaanu keenay da’yarka Ansu Fati, waxaana si uu u xoojiyo weerarka uu saaray Nélson Semedo, laakiin nasiib-darro ayaa ku dhacday 17 jirkan.

CASAAN!!! Ansu Fati ayaa qalad ku galay Calero, waxaana laga soo hubiyey VAR inta uu le’eg yahay qaladku, waxaana kaadh digniin ahaa oo marka hore la siiyey loogu beddelay casaan. Nasiib-darro ayaa heshay da’yarkan waxaanu garoonka ka baxay isaga oo murugaysan.

OOOH CASAAN KALE: Espanyo ayaa la mid noqotay Barcelona oo noqotay toban ciyaartaoy, waxaana kaadh cas lagu saaray Lozano kaddib markii VAR laga soo daawaday qalad uu ku galay Pique oo sidii Fati oo kale kaadh digniin ahaa oo la siiyey loogu beddelay casaan.

Labada casaan ayaa dhacay daqiiqadihii 50aad iyo 53aad.

GOOOAAAALLL!!! BARCELONA 1-0 ESPANYOL!! Barcelona ayaa hoggaanka ciyaarta qabatay, waxaana gool laga soo shaqeeyey u dhaliyey Luis Suarez.

Suarez ayaa noqday ciyaartoyga saddexaad ee ugu goolasha badan Barcelona, waxaanu dhaafay Kubalo, isaga oo saxeexay goolkiisii 195aad.

Goolkan oo ka farxiyey ciyaartoyda Barcelona ayaa waxay intaas kaddib bilaabeen intay si degganaan ah u ciyaaraan oo sidii marka hore ay ugu waalnaayeen goolka ay xoogaa taatikadooda yara beddelaan, si ay si qabow goolal kale ugu dhalin karaan.

Laakiin Espanyol oo ogsoonayd inay dib ugu noqonayso heerka labaad ayaa dagaallantay, waxaanay ku dhowaatay inay goola la timaaddo iyadoo aanu waqti badan kasoo wareegin xilliga ay Barcelona goolkeeda dhashatay.

Ciyaartoyda labada kooxood ayaa xafiiltanka iyo kulamada badan ee cidhiidhiga ah dartood waxa ka muuqatay daal badan, gaar ahaan tobankii daqiiqadood ee ugu dambeeyey, iyadoo ciyaartoyda Barcelona iyo kuwa kaleba uu ku yaraaday dhaqaaqu.

Daqiiqaddii 89aad: Espanyol ayaa sigta goolka goolka Barcelona, waxaana kubbad meel fog uu kasoo toogtay De Tomas iska qabtay goolhaye Ter Stegen oo koorne u saaray.

Daqiiqaddii 90aad: Espanyol ayaa dhawr kubbadood ku toogatay goolka, waxaana halis badan badan galay Ter Stegen, hase yeeshee middii ugu khatarsanayd waxa isku dhigay Vidal oo koorne u saaray.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*