Barcelona Gacmo Furan Ayay Ku Soo Dhawaynaysaa Lautaro Martinez

Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Barcelona ee Luis Suarez ayaa sheegay in ay xiddigahan kooxda Barcelona gacmo furan ku soo dhawayn doonaan xiddiga kooxda Inter Milan ee Lautaro Martinez isaga oo ugu yeedhay xiddig cajiib ah.

Martinez ayaa weli lala xiriirinayaa Barcelona kuwaasoo lagu soo waramayo inay diyaarinayaan dalab 70 milyan euro ah iyo daafaca bidix Junior Firpo.

Xiddiga reer Argentine ayaa loo arkaa badalka mustaqbalka fog ee xiddiga Luis Suarez laakiin Xiddiga reer Uruguay ayaa sheegay in uuna waxba ka qabin imaatinka xiddiga 22 jirka ah.

“Run ahaantii waa ciyaaryahan weyn waxana uu ku ciyaaraa heer aad u sareeya”ayuu u sheegay Sport.

“Ma ahan wax fudud in laga yimaado Argentine lana yimaado Italy waana horyaal aad u adag horyaalka Talyaanigu”.

“Waa xiddig da’yar ah waxana aan isku dayi doonaa in aan caawiyo hadii uu yimaado Barcelona in uu la qabsado waliba raaxo dareemo”.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*