Barcelona, Arsenal Mise Liverpool? Nico Williams Oo Doortat Kooxda Uu Ku Biirayo

Weeraryahanka Athletic Bilbao Nico Williams ayaa lagu soo waramayaa inuu go’aansaday inuu u dhaqaaqo Barcelona xilli ay kooxaha Premier league xiiso u qabaan saxiixiisa.

21-sano jirkaan ayaa qaab ciyaareed xoogan ku soo bandhigay heerka kooxda intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2023-24, isagoo dhaliyay sideed gool, waxaana uu diiwaan geliyay 19 caawin 39 kulan oo uu saftay tartamada oo dhan.

Williams ayaa haatan u ciyaaraya Spain Euro 2024, isagoo ku soo bilowday labadii kulan ee ay la ciyaareen Croatia iyo Italy, kuwaas oo ku soo dhamaaday 3-0 iyo 1-0 ay ku badisay La Roja.

Weeraryahanka ayaa heshiis cusub u saxiixay San Mames bishii December ee la soo dhaafay, laakiin waxaa la fahamsan yahay in lagu burburin karo 55 milyan euro heshiiskiisa.

Sida laga soo xigtay HITC, inkasta oo uu wadahadalo la yeeshay kooxaha sida Arsenal iyo Liverpool, Williams waxa uu doonayaa in uu ku biiro kooxda Barcelona.

Be the first to comment

Dhiibo Fikirkaaga