Barcelona: Aad Ayaan U Doonaynay Saxiixa Luis Diaz Laakiin….

Madaxweynaha Kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxdiisu doonaysay saxiixa xiddiga Liverpool ee Luis Diaz ka hor intii uuna ku biirin Liverpool.

Diaz ayaa Liverpool kaga soo biiray Fc Porto suuqii January ee bilowgii sanadkan kadib markii ay Reds u dhaqaaqday saxiixa xiddiga si ay ugu xoojiso weerarkeeda.

Diaz ayaa ka mid noday xiddigaha ugu muhiimsan Liverpool tan ilaa markii uu ku soo biiray Reds waxana uu kooxda u dhaliyay goolal muhiim ah.

Laakiin Maxdaweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa qirtay in ay kooxdiisu doonaysay saxiixa xiddiga isla markaas la kulmeen wakiilkiisa si ay ugala hadlaan heshiiska arinta.

Laporta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waxa aan doonaynay saxiixa Luis Diaz, waxa aan xiiso u qabnay saxiixiisa, xitaa waxa aan wadahadalo la yeelanay wakiilkiisa”.

“Laakiin xaqiiqada ayaa ah waxa ay kooxdu ku jirtay xaalad dhaqaale xumo, wakhti yar ayaanan madaxweyne ka ahaa”.

“Dhibaatada ayaa ahayd in aanan haysan wax lacag ah sidaas darteed waxa uu ku biiray Barcelona”ayuu sii raaciyay.