Banadir Vs Galmudug: Waa Kuwee Furayaasha Guusha Labada Dhinac , Min Sedex Arin Ayaa Kala Caawineysa

Finalka  tartanka maamul goboleedyada ee ka socday Muqdisho ayaa finalka waxaa haatan isku arkay Banadir iyo Gal Mudug waana kulan ay adag tahay in la saadaaliyo .

Hadaba warbixintaan soo socota waxaan ku eegeynaa  furaasha guusha labada koox ee ka caawin kara in ay koobkaan ruxaan

3 Meelood Oo Gobalka Banadir Kaga Adkaan Karo Gobalka Galmudug

1-Macalin: Daadir Amiin oo ah Macalinka Xulka Banadir ayaa sameeyn kara farqiga ugu weyn ee ciyaarta maadaama uu tijaabooyin adag soo maray , wuxuu kooxda Jamhuuriya la qaaday tartanka heerka 2aad ee soomaaliya , sidoo kale wuxuu afar dhamaadka keenay Degmada Xamar Jajab sanadkaan tartanka Degmooyinka Gobalka Banadir, waxaa usii dheer in Macalinka hadda hoggaaminaya Galmudug uu horyaalka heerka 2aad ee soomaaliya ka qaaday.

2-Xiddigaha Garbaha Iyo Nambarka 9aad: Gobalka Banadir waxaa ay heystaan ciyaaryahano ku wanaagsan weerarka garbaha sida Daadir Xaashi iyo Idiris Amiin kuwaas oo saameeyn muuqata ku lahaa tartankaan , si lamid ah Ibraahiim oo ah Nambarka 9aad oo Gobalka Banadir.

3-Abaabulka Garoonka Ee Dhanka Taageeriyaasha:Gobalka Banadir ayaa bilaabay abaabul dhanka taageeriyaasha oo aan sameeyn jirin kulamadii hore , kadib markii Guddoomiyaha Gobalka Benadir Omar Finsh oo amray in garoonka la iskugu keeno dhamaan taageeriyaasha Gobalka Banadir ee  ku sugan muqdisho.

Taas waxaa la arkay kulankii Koonfur Galbeed oo garoonka dhan waxaa lagu xardhay calamo Gobolka Banadir ah.

3 MEELOOD OO GALMUDUG KAGA ADKAAN KARTO GOBOLKA BANADIR.

1-KICINTA BARAHA BULSHADA :Galmudug waa gobalka ugu badan ee dagaalkooda tartankaan isugu geeyeen baraha bulshada ,waxaa jira shaqsiyaad caan ah oo balan qaadyo muuqda u sameeyey ciyaartooyda haddii ay guul gaaraan , waana arin xoojin doonta hammigooda tartankaan.

2-TAARIIKHDA :Waa markii ugu horeeysey ee Galmudug soo gaaraan heerkaan tartankaan ,waxayna rabaan inay qaadaan markooda koowaad , maadaaama ay waqti badan geliyeen.

3-Ahmed Tahliil: waa macalinka Galmudug si fiican ayuu u yaqaanaa Saaxiibkiisa Daadir Amiin oo isagane MAcalin u ah Gobalka Banadir , wuxuna rabaa inuu sameeyo aargudashadii koobkii heerka 2aad ee soomaaliya markaas oo kala hogaaminayeen Geeska Africa & Jeenyo.

4-GOOL DHALINTA & WEERARKA ROGAAL CELISKA:Xulka Galmudug wuxuu ku fiican yahay sanadkaan dhanka gooldhalinta tartanka , waxaana ay dhaliyeen goolal badan , sidoo kale waa xul u diyaarsan kubaddaha weerarka ama Countre Attack.

Waxaa qoray : Maxamuud C/qaadir Jamuuni 

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*