Bale, Depay, Alcantara, Origi, Messi, Sancho, Torreira, Suarez, Koulibaly & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga.

Waxa si Rasmi ah Albaabada loogu furay suuqa kala iibsiga xagaaga kaas oo ay kooxuhu haatan samayn karaan saxiixyada xiddigaha ay doonayaan.

Xagaagan oo noqon doona midka ugu dheer taariikhda suuqa kala iibsiga ayaa noqon doona sidoo kale mid aad uga duwan suuqyadii hore marka laga hadlo dhanka lacagaha.

Kooxaha ayaa haatanba la daalaa dhacaya dhaqaale xumo uu sabab u noqday xanuunka Korona sidaas darteed kooxaha ayaa si taxadar leh u gali doona suuqa xagaaga iyaga aan sidii hore suuqa lacag waali ah u galin doonin.

Sidoo kale suuqa xagaagan waxa aan ku arki doonaa dabeecado cusub sida isku badalashada xiddigaha iyo waliba in la badiyo heshiisyada amaahda ah.

Hadaba kooxda.com oo caan ku ah in ay si joogto ah idiinku soo gudbiso wararka suuqa ugu dambeeyay iyo waliba kuwa ugu xasaasisan halkan ku soo bandhigi doontaa wararki ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga.

Kooxda Liverpool ayaa sugi doonta ilaa maalinta ugu dambaysa ee suuqa kala iibsiga xagaaga si ay u dhamaystirto saxiixa xiddiga kooxda Bayern Munich ee Thiago Alcantara (Talksport).

Kooxda Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay dalab Rasmi ah oo amaah ah ka gudbiso xiddiga garabka uga ciyaara Real Madrid ee Gareth Bale kadib markii ay isaga hadheen baacsiga Jadon Sancho (Sun).

Laakiin xiddiga reer Wales ee Gareth Bale ayaa diidi doona heshiis kasta oo amaah ah hadii uuna mid toos ah ahayn (Mail).

Man United ayaa ka wal-walsan tartan adag oo ay kala kulmi doonto baacsiga ay ugu jirto xiddiga Jadon Sancho xagaaga dambe (ESPN).

Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Josep Maria Bartomeu ayaa xiddiga Lionel Messi waydiisan doona in uu hoos u dhigo mushaharkiisa (Deportes Cuatro).

Kooxda Man City ayaa dalab 82 milyan oo euro iyo lacago gunooyin ah ka gudbisay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda Atletico Madrid ee Jose Gimenez (AS).

Kooxaha Fenerbahce ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Liverpool iyaga oo ka doonaya xiddiga Divock Origi halka ay sidoo kale kooxaha Aston Villa, Newcastle, Brighton & Fulham xiiso u qabaan saxiixa xiddiga (Mirror).

Kooxda Arsenal ayaa ogolaatay in uu xiddiga Lucas Torreira amaah uga tago kooxda xilli ay kooxaha Fiorentina & Torino doonayaan saxiixiisa (Mirror).

Kooxda Napoli ayaa la filayaa in ay suuqa ka qaado daafaca Kalidou Koulibaly hadii ayna kooxaha Man City ama PSG midkood dhamaystirin saxiixa xiddiga (Football Italia).

Kooxda Man United ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Real Madrid kuwaas oo ay ka doonayaan saxiixa daafaca Sergio Reguilon (Marca).

Tababare Ronald Koeman ayaa gabi ahaan kooxdiisa ka saari doona xiddiga Luis Suarez xilli ciyaareedka cusub hadii uu diido in uu isaga tago kooxda xagaagan (ESPN).

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay Lyon kala heshiisay saxiixa Memphis Depay kadib markii ay ka gudbisay dalab 28 milyan oo euro (Mail).

Xiddigii hore ee chelsea ee Oscar ayaa qirtay in ay xiddigaha Arsenal ee Willian & David Luiz waydiisteen in uu kula biiro Arsenal (Star).

Laakiin xiddiga 29 jirka ah ayaa sheegay in uu doorbidayo ku laabashada chelsea hadii uu ku laabanayo horyaalka Premier League (Star).

Tababaraha Kooxda Borussia Dortmund ee Lucien Favre ayaa xaqiijiyay in uu Jadon Sancho kooxda u sheegay in uu doonayo in uu sii joogo kooxda xilli ciyaareedkan (Telegraph).

Laacib.net

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*